Harry Kane, weeraryahanka Bayern Munich, ayaa gaaray rikoodh gaar ah kadib markii uu gool u dhaliyay kooxdiisa kulankii Bayer Leverkusen ee horyaalka Bundesliga.
Kulanka ayaa ka dhacay garoonka Allienz Arena waxana uu Harry Kane dhaliyay gool daqiiqadii 7-aad ee ciyaarta.
Sida laga soo xigtay shabakada Opta Harry Kane ayaa dhaliyay 4 gool 4-tii kulan ee ugu horeeyay horyaalka Germany.
Shabakadda caalamiga ah ayaa sharraxday in weeraryahankii hore ee Tottenham Hotspur uu noqday ciyaaryahankii ugu horreeyay ee Bayern Munich ah ee sidaas sameeya tan iyo Miroslav Klose 2007dii.
Kane ayaa kooxda Bavaria kala qayb qaatay 5 kulan ilaa haatan, isagoo dhaliyay 4 gool caawiyena ka ahaa gool kale.

Related



Source link