Tababaraha Manchester United Erik ten Hag ayaa laga yaabaa inuu helo saxiixiisa riyadiisa xagaaga soo aadan ka dib go’aan ay gaadhay kooxda Barceona.
Ten Hag ayaa xagaagan dhammaystiray afar iyadoo saddex ka mid ah ay ahaayeen saxiixyo muhiim ah oo kala Andre Onana, Mason Mount iyo Rasmus Hojlund.
Laakiin waxaa jiray walaac laga qabo khadka dhexe ee United tan iyo maalintii furitaanka 1-0 ay kaga badiyeen Wolves, markaasoo Mount iyo Bruno Fernandes ay inta badan ka tageen Casemiro kaligiis si uu ula dagaalamo xiddigaha khadka dhexe.
Hal xiddig oo laga yaabo in uu xaliyo dhibaatadaas ayaa ah xiddiga Barcelona ee Frenkie de Jong kaas oo bartilmaameed u ahaa Ten Hag xagaagii hore.
Laakiin inkasta oo ay Man United wax walba u samaysay sidii ay u keeni lahayd xiddiga, xiddiga khadka dhexe ayaa sii joogay kooxdiisa.
Si kasta ha ahaatee Man United ayaa mar kale ku laaban karta de Jong kadib markii Barcelona go’aan dhaqaale oo ay gaadhay Barcelona
Related