Asmir Begovic ayaa ka cabsi in uu chelsea hoos u dhac weyn ku yimid inkasta oo ay ku dhawaad 500 milyan suuqa galiyeen xagaagii.
Inkasta oo ay kooxdu lacag badan galisay suuqa kadib milkiilayaasha cusub hadana kooxda Mauricio Pochettino ayaa kaliya 4 dhibcood helay 4-tii kulan ee ugu horeeyay xilli ciyaareedk.
Guusha kaliya ee ay chelsea gaadhay ayaa ahayd guushii ay ka gaadheen Luton Town kulan ka dhacay Stamford Bridge ka hor inta ayna guuldaro kala kulmin Nottingham Forest.
Inkasta oo ay kooxdu lacag badan galisa suuqa hadana waxa ay kooxdu ku dhibaatoonaysaa dhinaca weerarka iyo Goolka Sida uu qabo Begovic.
“Anigu cidna kama soo horjeedo laakiin waxaan eegayaa booska goolhayaha, [Edouard] Mendy iyo Kepa [Arrizabalaga] ka tagaan kooxda kubbadda cagta, ka dheh waxaad ka rabto iyaga laakiin waxaa bedelay Djordje Petrovic iyo Robert Sanchez, Begovic, oo laba sano ku qaatay Chelsea, ayuu u sheegay The Byline.
“Ma doonayo in aan xasuusto, laakiin ma xasuusataa waagii uu Petr Cech iyo Thibaut Courtois?”.
“In aad iibsato xiddigaha da’yarka ah ma xuma oo aad mashruuc dhistid laakiin hadii aad doonaysid koobab waa in aad iibsato xiddigo diyaar ah.
“Sida Bayern Munich, waxa ay u baahnaayeen No.9 waxa ay 100 milyan ka bixiyeen Harry Kane”.
Related