Xiddiga Arsen Zakharyan ayaa daaha ka qaaday inuu ku faraxsan yahay inuu go’aansaday inuusan ku biirin Chelsea maadaama ay jireen dookhyo ka wanaagsan.
Xiddiga Zakharyan ayaa xiiso ka helay kooxda chelsea intii uu furnaa suuqii xagaaga markii uu u ciyaarayay kooxda Dynamo Moscow.
Dagaalka uu Ruushku ku qaaday Ukraine ayaa door muhiim ah ka ciyaaray fashilka heshiiska.
Zakharyan ayaa ku dhawaaday inuu u saxiixo Chelsea xagaagan ka dibna amaah ugu aaday Strasbourg ka hor inta uusan ciyaaryahanka da’da yar u saxiixin heshiis 6 sano ah kooxda Real Sociedad.
Xiddiga Zakharyan ayaa wargayska Goal u sheegay in uu wadahadalo la yeeshay chelsea laakiin uuna ku faraxsanayn ku biirista kooxda chelsea.
Zakharyan oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi: “Waxa aan xaqiiqsaday in aan horayba u ahaa ciyaaryahan Real Sociedad ah markii aan u saxiixay”.
“Chelsea ayaa ahayd dookh dhab ah laakiin waxa aan ku biiray Real Sociedad”.
Zakharyan ayaa u ciyaaray kooxda Dynamo Moscow  89 kulan waxana uu dhaliyay 19 gool halka uu caawiyay 25 klae.
 

Related



Source link