Alisson Becker, goolhayaha Liverpool, ayaa xaqiijiyay in kooxdiisu ay ku bilaabatay xilli ciyaareedkaan runtii si wanaagsan, isagoo sharaxay in Reds ay tahay inay diirada saaraan kulamada soo socda.
Alisson ayaa ka soo laabtay fasaxii caalamiga ahaa ee u dambeeyay, iyadoo isaga iyo inta kale ee ay isku kooxda yihiin ee Liverpool ay isku diyaarinayaan inay wajahaan Wolverhampton berri oo Sabti ah, kulan ka tirsan horyaalka premier league.
Liverpool ayaa ilaa hadda badisay 3 kulan halka ay kulan kale bar-baro gashay waxana ay leedahay 10 dhibcood oo premier League.
Alisson ayaa ku guulaystay abaal marinta badbaadintii ugu fiicnayd ee horyaalka England bishii August ee la soo dhaafay ka dib markii uu si layaableh u badbaadiyay kulankii Newcastle United oo ay 2-1 kaga badiyeen.
“Runtii aad ayaan u sugayaa: ciyaaro badan oo aan ciyaaro, tartamo kala duwan sidoo kale,” Alisson ayaa yidhi.
Wuxuu intaas ku daray: “Dhammaanteen waxaan ku faraxsannahay bilowga xilli ciyaareedka, qaabkii aan ku bilownay, qaabka ay kooxdu u horumareyso ciyaarta ka dib, waxayna mareysaa waqtiyo adag sidoo kale, waxaan qabaa in ku guuleysiga xaaladaha adag ay tahay mid kalsooni leh”.
“Kadib fasaxa xulalka waxa laga yaaba in aad guuldaro la kulanto hadii aanad sii haysan kalsoonidii ka hor fasaxa xulalka”.
Alisson ayaa hadalkiisa ku soo xidhay: “Waxay ila tahay in aan kulan walba si gaar ah uga fikirno, talaabo talaabo, oo aan diirada saarno oo kaliya nafteena si aan u bixino waxa ugu fiican oo aan ku guulaysano kulamada”.

Related



Source link