Xiddiga Kai Havertz Arsenal ayaa loo doortay heshiiskii ugu xumaa ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Intii lagu guda jiray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, kooxaha adduunka ayaa isku dayayay inay horumariyaan kooxdooda ka hor xilli ciyaareedka 23/24.
Rikoodhka suuqa Premier League waxa laba jeer jabiyay kooxaha Arsenal iyo chelsea iyaga oo la soo saxiixday xiddigaha Declan Rice iyo Moises Caicedo.
Iyadoo suuqa kala iibsiga uu hadda xiran yahay, Hehsiiskii uu Havertz ugu biiray Chelsea ayaa loo doortay saxiixii ugu xumaa ee suuqii xagaaga.
Sidoo kale saxiixa xiddiga Tottenham ee James Maddison ayaa loo doortay saxiixii ugu fiicnaa suuqii xagaaga.
Codaynta waxa samaysay wargayska The Athletic oo su’aalo waydiiyay Wakiilo ku lug lahaa heshiisyada dhacay.
Heshiisyada ugu wanaagsan xagaaga, Maddison wuxuu ku guuleystay cod aqlabiyad ah ka dib markii uu helay sagaal cod. Declan Rice ayaa ku jiray kaalinta 2-aad isaga oo helay 3 cod halka uu Jude Bellingham Kaalinta 3-aad kula biiray Harry Kane.
Havertz ayaa helay 6 cod kuna guulaystay in uu yahay saxiixa ugu xun, waxa ku xiga xiddiga Caicedo kaas oo lacag rikoodh ah ugu biiray chelsea waxa ku jira xiddiga Man United Mason Mount kaas oo helay 3 cod sidaasna kaga mid noqday saxiixyadii ugu xumaa ee xagaaga.

Related



Source link