Paul Pogba ayaa si rasmi ah u codsaday in baadhitaan dheeraad ah lagu sameeyo dhiigiisa 72 saac ee soo socda.
Baadhitaankii hore ayaa muujiyay in Paul Pogba jidhkiisa laga helay daroogo mamnuuc ka ah ciyaartoyada kubada cagta.
Waxa loo baahanyahay in jawaabta baadhitaanka Pogba ku timaado muddo todobaad ah isla markaas jawaabtu noqoto in aanu xiddigu cunin Daroogada waana halka waddo ee uu Pogba uga badbaadi karo ganaax 4 sano ah.
Sida laga soo xigtay wargayska Mediaset, hadii ayna Natiijadu is badalin gudida la dagaalanka daroogooyinka ayaa baadhitaano ku furi doona xiddiga.
Xiddiga reer France ayaa haatan si ku meel gaadh ah looga joojiyay u ciyaarista kooxda Juventsus waxana uu sugayaa go’aanka kama dambaysta ah.

Related



Source link