Jermaine Pennant ayaa ku booriyay Mikel Arteta inuu kaydka dhigo xiddiga kooxda ee Kai Havertz isla markaas No.10 ka ciyaarsiiyo xiddiga Emile Smith-Rowe.
Laacibkii hore ee Arsenal Jermaine Pennant ayaan la dhacsanayn weeraryahanka reer Germany kaas oo lacag badan ugu soo biiray Arsenal suuqii xagaaga.
Havertz ayaa ku soo bilowday dhamaan afarta kulan ee Premier League xilli ciyaareedkan tan iyo markii uu u dhaqaaqay, laakiin wax gool ah iyo caawin ma uusan sameyn.
Pennant ayaa sheegay in la gaadhay waqtigii Smith Rowe uu fursad u heli lahaa.
“Ma arko wax caddayn ah oo muujinaya in Havertz uu awoodo inuu wax ka badalo xaaladan”ayuu u sheegay OLBG.
Waxa uu intaa ku daray, “Si buuxda ulama dhicin waqtigiisii ​​Chelsea, waan ogahay inay ku dhibtoonayeen xilli ciyaareedkii hore, laakiin ma hubo ilaa inta ay tahay inaad siiso ciyaaryahan si uu kuu cajabiyo.”
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Havertz xaqiiqdii waa ciyaaryahan fiican, laakiin uma arko in uu yahay dookh ka fiican kii ay Arsenal hore u haysatay”.
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waxaan dhihi lahaa Smith Rowe fursad ha la siiyo,marka uu taam yahay, waa ciyaaryahan ka fiican, wax badanna soo kordhiya.”

Related



Source link