Kooxda Man United ayaa qaab xor ah kula soo wareegtay Goolhaye Kie Plumley ka dib markii uu da’yarku ka tagay Oxford United dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.
20-sano jirkaan ayaa waxaa iska sii daayay kooxda Oxford United horaantii sanadkan isagoo aan wax kulan ah kasoo muuqan kooxda League One.
Waxa uu amaah ku qaatay West-Super Mare iyo Beaconsfield, laakiin hadda waxa uu isku arkay Manchester United, isagoo ka diiwaan gashan liiska ciyaartoyda Premier League.
Plumley ayaa lagu soo waramayaa inuu ahaa taageere Man United ah sidaas darteed waa riyo run u noqotay Da’yarka ah xitaa hadii uuna boos joogto ah ka heli doonin kooxda.
Waxa jiray is badal weyn oo ka dhacay booska Goolka xagaagan iyada oo ay kooxda ka tageen David De Gea, Dean Henderson, Matej Kovar & Nathan Bishop.

Related



Source link