Roberto De Zerbi ayaa ah musharaxa ugu haboon ee bedeli kara Jurgen Klopp xilka tababaranimo ee Liverpool sida uu qabo Halyeeyga Liverpool ee Danny Murphy.
Klopp ayaan dhawaan ka tagi doonin Anfield maadama uu heshiiskiisu dhici doono ilaa sanadka 2026 laakiin waxa ay noqon doontaa wax lala yaabo hadii uu sii joogo wixii intaas ka dambeeya.
Murphy ayaa haatanba ka fikiraya cida badali doonta tababaraha Reds kula guulaystay Champions League iyo Premier League iyadoo tababaraha Brighton uu soo jiitay dareenkiisa.
Tabbaaraha reer Italy ayaa shaqo fiican ka qabtay kooxda Brighton xilli ciyaareedkan isaga oo u soo saaray tartamada yurub.
‘Waxaan helay jawaabta, sidaa darteed kama walwalsani in uu Klopp boxo”ayuu u sheegay TalkSport.
“Waxa aan qabaa in De Zerbu uu ku fiicanyahay in uu qabto shaqada wakhtigaas”.
“Waxaan u maleynayaa inuu ciyaaro kubad heer sare ah, wuxuu u muuqdaa mid dabeecad adag, wuxuu horyaalka premier League sidaas darteed ma arko cid isaga uga fiican Liverpool”.
Related