Xiddiga Arsenal Emile Smith Rowe ayaa lagu booriyay inuu maro wadadii Eddie Nketiah si uu ugu soo laabto shaxda joogtada ah ee kooxda.
Weeraryahankii hore ee England Andy Johnson ayaa sheegay in ciyaaryahanka khadka dhexe ee Gunners ay tahay inuu diyaar u yahay inuu soo galo kooxda xilli kasta.
Smith Rowe ayaan wax kulan ah ugu soo bilaaban Arsenal tartan kasta tan iyo May 2022. Waxa uu seegay intii badnayd xilli ciyaareedkii hore.
Xiddiga ayaan taam ahayn inta badan sanadka 2023 waxana uu ku dhibaatooday in uu soo jiito indhaha tababare Mikel Arteta.
Smith Rowe Ayaa ka dambeeya xiddigaha abriel Martinelli, Leandro Trossard & Reiss Nelson.
“Sida iska cad Emile Smith Rowe waxa uu haatan ku sugan yahay boos nasiib darro ah oo Arsenal ah, sababtoo ah ciyaartoyda safka hore waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed fiican”.
“Kaliya waxa uu u baahan yahay in uu samro sababtoo ah wali waa da’yar, waan hubaa in ay jirto niyad jab shaqsi ah, laakiin taasi waa dabiici qof kasta oo bini’aadam ah oo doonaya in uu guulaysto”.
“Waxa uu u baahan yahay kaliya in uu waqtigiisa qaato, fursadiisana way iman doontaa, waxaa jira kulamo badan oo soo socda, iyadoo Arsenal ay dib ugu soo laabanayso Yurub iyo kulamada koobabka… waxa uu heli doonaa fursad uu ku qanciyo tababaraha”.
“Kadib isaga ayay ku xidhnaan doontaa in uu muujiyo in uu u qalmo in uu ciyaaro sidii uu Eddie Nketiah Sameeyay xilli ciyaareedkii hore”.

Related



Source link