Hannibal Mejbri ayaa ka soo kacay kursiga kaydka si uu Tunisia uga caawiyo in ay 3-1 kaga badiyaan Masar kulan saaxiibtinimo.
Laacibka khadka dhexe ee Manchester United ayaa ku digtay xiddiga Mohamed Salah kadib markii uu dhaliyay goolka dilay ciyaarta.
Tunisia ayaa u safartay Masar maalmo kadib markii ay goosteen tigidhkooda koobka qaramada Afrika 2023 kadib markii ay 3-0 kaga badiyeen Botswana, iyagoo hogaanka u haya Group J oo ay ka horeeyaan Equatorial Guinea.
Xulka Masar ee Salah ayaa ahaa xulka ugu cad-cad ku guulaysiga kulanka laakiin waa laga yaabsaday ciyaarta.
Hannibal ayaa xulkiisa Tunisia u dhaliyay goolka 3-aad ee ciyaarta dilay waxana uu iska qaban waayay ku digashada xiddiga Liverpool.
Xiddiga Hannibal ayaa sameeyay dabaal-daga uu sameeyo xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah.
Related