Wakiilka Jurgen Klopp ee Marc Kosicke ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in tababaraha Liverpool uu noqon karo tababaraha cusub ee xulka qaranka Germany.
Germany ayaa haatan la’aan ah tababare joogto ah ka dib markii Hansi Flick la ceyriyay ka dib guuldaradii 4-1 ee Sabtidii ka soo gaartay Japan.
Tababarihii hore ee Bayern Munich ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib markii uu badiyay kaliya afar ka mid ah 17-kii kulan ee ugu dambeeyay ee uu hogaamiyo Die Mannschaft.
Rudi Voller ayaa si ku meel gaar ah loo dhiibay ciyaartii saaxiibtinimo ee ay France talaadadii kula ciyaartay Dortmund,halkaas oo ay goolasha u kala dhaliyeen Thomas Muller iyo Leroy Sane ay Germany ku badiyeen 2/1.
Ciyaartoyda ayaa lagu wadaa inay dib ugu soo laabtaan kooxdooda ka dib kulamada caalamiga ah xidhiidhka Germany ayaa diirada saari doona doorashada tababare cusub.
Iyadoo Germany lagu wado inuu martigeliyo Euro 2024 xagaaga soo aadan, waxay doonayaan in ay helaan tababare cusub.
Liiska tababarayaasha waxa ka soo dhex muuqday Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp.
Si kasta ha ahaatee wakiilka Tababaraha ayaa biyo qabow ku shubay wararka tababarka la xidhiidhinaya tababare Klopp.
Isagoo la hadlayay Sportschau fiidnimadii Talaadada, Kosicke wuxuu yiri: “Jurgen wuxuu qandaraas waqti dheer ah kula jiraa LFC diyaarna uma ahan in uu hogaamiyo xul qaran”.

Related



Source link