Goolhayaha Arsenal David Raya ayaa wacdaro ka dhigaya tababarka kooxda, waxaana laga yaabaa inuu dhawaan helo fursad uu ku ciyaaro.
Sida laga soo xigtay wargeysyada Ingiriiska, Arsenal waxay leedahay kulamo badan oo soo socda, taas oo la micno ah in Raya laga yaabo inuu helo fursad weyn oo uu kaga qayb qaato.
Raya ayaa ku biiray Arsenal si uu u noqdo badalka Goolhye Aaron Ramsdale.
Raya waxa uu Arsenal amaah kaga soo biiray Brentford xagaagii, laakiin weli ma uusan safan kulankiisii ugu horeysay ee Gunners.
Qaar ka mid ah taageerayaasha Arsenal ayaa aaminsan in Raya uu u qalmo fursad uu kaga qayb qaato iyadoo ay ugu wacan tahay wax qabad aan wanaagsanayn oo uu dhawaan sameeyay Ramsdale.
Ramsdale ayaa Arsenal ka caawiyay in ay guulo gaadho, balse waxa uu ku guul daraystay in uu shabaqeeda ka ilaashado kooxda Fulham oo 2 gool ka dhalisay kulankii ka hor fasaxa xulalka.
Related