Kooxda Man United ayaa loo soo bandhigay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Oussama Idrissi sida ay sheegayaan wararku.
Man United ayaa doonaysa xiddig garabka ka ciyaara iyaga oo ka raadsanaya suuqa xorta ah si ay ugu xoojiyaan kooxda.
Erik Ten Hag ayaa wajahaya xiddigo la’aan dhinaca weerarka iyada oo ay kooxdu iska fasaxday Mason Greenwood kadib ceebtii dul hoganaysay.
Sidoo kale waxa ay ceeb kale dul hoganaysaa xiddiga Antony kaas oo laga saaray kooxda 1-aad ilaa wakhti dambe.
Dhinaca kale Sancho ayaa xidhiidh xun la yeeshay tababare Erik Ten Hag kadib markii ay hadalo isku mariyeen baraha bulshada.
Haatan Man United aya loo soo bandhigay in ay si xor ah kula saxiixan karto xiddiga reer Morocco ee Oussama Idrissi.

Related



Source link