Masiibada kooxda chelsea ee xilli ciyaareedka ayaa sii fogaanaysa iyada oo Mauricio Pochettino helay warka ah in uu xiddiga Romeo Lavia maqnaan doono muddo bilo ah kadib dhaawac soo gaadhay.
Kadib suuq mashquul badan, tababaraha Blues ayaa rajaynayay in uu fasaxa xulalka u adeegsado in uu dajiyo xaalada kooxdiisa ka hor dib u bilaabashada xilli ciyaareedka.
Tababare Mauricio Pochettino ayaa la filayaa in uu dhaawac ku waayo xiddigo badan kadib marka laga soo laabto fasaxa xulalka.
Xiddigaha Romio Lavia, Beniot Badiashile, Reece James, Mykhailo Mudryk, Armando Broja, Trevoh Chalobah, Carney Chukwauemeka, Christopher Nkunku iyo Wesley Fofana ayaa ka mid ah xiddigaha dhaawaca uga maqan kooxda chelsea.
Related