Taageere ka tirsan kooxda Arsenal ayaa kooxda ka codsaday in ay shaqada ka caydhiyaan Mikel Arteta hadii uu xilli ciyaareedkan ku guulaysan waayo koob.
Cubanjamal ayaa ku soo qoray X: “Arteta cudur daar ma haysto laakiin inuu koobab keeno xilli ciyaareedkan ama waa in la ceyriyo tani waa ku dhawaad ​​​​sanadkiisii ​​5aad.”
Arsenal ayaa laga yaabaa in ayna ku guulaysan horyaalk Premier League marka la eego tartanka adag ee loo gali doono horyaalka.
Tababaraha reer Spain ayaa kooxda Arsenal kula guulaystay FA cup iyo Community Sheild intii uu joogay kooxda.
Waxa uu ka caawiyay Gunners inay ku soo laabato Champions League xilli ciyaareedkii hore, iyagoo ku dhameystay booska ugu sareeya tan iyo markii ay ku dhameysteen kaalinta labaad ee horyaalka 2015-16.

Related



Source link