Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa inuu chelsea ka hor istaagay saxiixa xiddiga Jeremy Doku.
Suuqii xagaaga, Doku ayaa heshiis weyn ugu biiray kooxda difaacanaysa horyaalka premier League ee Man City.
Heshiiska uu Doku ugu yimid Man City ayaa lagu soo waramayaa in uu ahaa 55 milyan oo euro
Si kasta ha ahaatee arinta ayaa sidan uga duwanaan lahayd xiddiga garabka ka ciyaara.
Markii uu weli ahaa 15 sano jir, Doku waxa uu xiiso ka helay kooxo badan oo Premier League ah ka dib markii uu wacdaro dhigay intii uu u ciyaarayay Anderlecht.
Chelsea ayaa xiiseyneysay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara, laakiin sida laga soo xigtay agaasimaha akadeemiga Anderlecht, Jean Kindermans, Lukaku ayaa door muhiim ah ka ciyaaray in uuna xiddigu ku biirin Blues.
Kindermans ayaa u sheegay Sunday Mirror”Waxaan xusuustaa in Romelu xafiiskayga kagala hadlay dhibaatada xiddigaha da’yarka ah in ayna sii joogin kooxda gaar ahaan Doku”.
“Romelu ayaa igu yidhi, hada isii Telefoon Lambarkiisa aniga ayaa la hadlaya, sidaas darteed Romelu Lukaku ayaa ku qanciyay Doku in uu iska diido chelsea”.
Related