Xiddiga Juventus ee Paul Pogba waxaa si ku meel gaar ah shaqada uga joojiyay madaxda ka hortagga Daroogooyinka.
Taasi waa ka dib markii la sheegay inuu ku guuldareystay baaritaanka daroogada, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe ay suurtagal tahay inuu wajaho ganaax afar sano ah haddii lagu helo dembiga.
Corriere Della Serra ayaa sheegtay in Jidhka Pogba laga helay daroogada lagu magacaabo testosterone kadib ciyaartii ugu horeysay ee Juventus xilli ciyaareedka cusub.
Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Man United, oo 30 jir ah, ayaa ahaa kayd aan la istimaalin kulankii ay kooxdiisu 3-0 kaga badisay Udinese bishii hore.
Pogba ayaan weli ka hadlin Laakiin xiddiga reer France ayaa haatan ganaax ku meel gaar ah kadib markii jidhkiisa laga helay daroogo ka mamnuuc ah xiddigaha kubada cagta.

Related



Source link