Wakiilada Paul Pogba ayaa ka baxay Aamusnaanta kadib markii xiddiga Juventus si ku meel gaadh ah looga joojiyay ciyaaraha sabab la xidhiidha dambi dhinaca daroogada ah.
Isniintii, Pogba waxaa shaqada ka joojiyay maxkamada qaranka ee la dagaalanka daroogooyinka Italy kadib markii dhiigiisa laga helay daroogo.
Xiddigii hore ee Manchester United ayaa dhiigiisa laga helay daroogada lagu magacaabo estosterone ka dib ciyaartii Serie A ee Juventus ay la ciyaartay Udinese 20kii August.
Pogba xitaa ma uusan ciyaarin ciyaarta – waxa uu ahaa bedel aan la isticmaalin.
Haayada la dagaalanka daroogooyinka ayaa Isniintii soo saaray bayaan ay Pogba uga joojinayaan in uu mar kale u ciyaaro kooxda.
Pogba ayaa hadda wajahaya tijaabo iyo tijaabin dheeraad ah si loo hubsado dabigiisa.
wakiilka Pogba, ayaa u sheegay Sky Sports News hadal uu soo saaray: “Waxaan sugeynaa falanqaynta buuxda ilaa wakhtigaas wax hadal ah ma odhan karno”.
“Waxa hubaal ah ayaa ah in Paul Pogba aanu waligii doonayn in uu sharciga jabiyo”.
Related