Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ayna wax xiiso ah u qabin saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Anwar El Ghazi.
Red Devils ayaa xilli ciyaareedkan la soo gashay ciyaartoy badan oo kala duwan, taasoo keentay in Erik ten Hag uu doortay inuu ciyaartoy da’yar ah ku sii hayo Old Trafford.
Xidhiidhka Ten Hag iyo Jadon Sancho ayaa xumaaday iyada oo sidoo kale xiddiga Antony sidoo kale laga saaray kooxda sabab la xidhiidha kufsi uu gaystay.
Arintaas ayaa keentay in Man United lala xidhiidhiyo xiddigii hore ee kooxda Aston Villa El Ghazi kaas oo bilaa koox ah.
Sida laga soo xigtay The Athletic, United ayaan wax xiiso ah u qabin in ay keento xiddiga 28 jirka ah Old Trafford.
Related