Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in aysan la dhacsaneyn Andre Onana oo dhawaan kaga soo biiray kooxda Inter Milan.
Red Devils ayaa durba goolhayaha Valencia Giorgi Mamardashvili u calaamadsaday badalkiisa suurtagalka ah suuqa January.
Man United ayaa Onana kala soo wareegtay Inter Milan waxana ay ka soo bixiyeen lacag dhan 47 milyan oo euro waxana uu saxiixay heshiis 5 sano.
Si kasta ha ahaatee Goolhayaha reer Cameroon ayaa si xun ku bilowday xirfadiisa ciyaareed waxana uu kaliya shabaqiisa ilaashaday hal kulan waxan laga dhaliyay 7 gool.
Sida laga soo xigtay Todofichajes, Man United ayaa Mamardashvili u calaamadsatay badalka Goolhaye Onana iyaga oo u dhaqaaqaya suuqa January.
Wararka ayaa sheegaya in ayna kooxdu ku qanacsanayn qaab ciyaareedka Goolhayaha waxana ay diyaar u yihiin in ay 22 milyan kula soo wareegaan Goolhaye Mamardashvili.

Related



Source link