Ilkay Gundogan oo khadka dhexe uga ciyaara xulka qaranka Germany ayaa walaac ku abuuray kooxda reer Spain ee Barcelona kadib markii uu dhaawac ka soo gaadhay kulanka France.
Xulka Germany ayaa la ciyaaray xulka France kulan saaxiibtinimo oo ka tirsan isku diyaarinta labada xul ee tartanka Euro 2024.
Gundogan ayaa ku dhaawacmay kubad ay ku loolameen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Juventus iyo xulka France ee Adrien Rabiot.
Laacibka Barcelona ayaa dhulka ku dhacay ka dib markii uu kubad cirka maraysa kula loomay xiddiga Rabiot waxana uu u muuqday in uu soo gaadhay dhaawac dhabarka ah.
Xiddiga 32 jirka ah ee ruug cadaaga ah ayaa awoodi waayay in uu dhamaystiro ciyaarta,waxana booskiisa qaatay Pascal Gross daqiiqadii 25-aad ee ciyaarta.
Gundogan ayaa lagu wadaa in kulanka kadib uu maro baaritaan caafimaad si loo ogaado booskiisa,laakin dhaawaca ayaa u muuqda mid fudud oo aan ka hor istaagi doonin ka qeyb galka kooxdiisa Barcelona kadib dhamaadka fasaxa xulalka.

Related



Source link