Xiddiga kooxda chelsea ee Cole Palmer ayaa shaaca ka qaaday sabbatii uu uga tagay Man City uguna biiray kooxda Chelsea.
Cole oo 21 jir ah ayaa Ku biiray Chelsea kadib markii uu qaab ciyaareed fiican soo badhigay kulamadii bilowga xilli ciyaareedka gaar ahaan kulankii UEFA Super Cup-ka.
Cid walba waxa ay filaysay in uu Cole sii joogo kooxda Man City kadib markii uu qayb ka noqday shaxda tababare Pep Guardiola.
Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa si lama filaan ah ugu biiray kooxda Chelsea maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga xagaaga.
Xiddiga oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi” “U dhaqaaqitaankeyga Chelsea?” Maamulka naadiga ayaa sharaxay mashruucooda. Daacadnimo, waan ka helay mashruuca.”
“Waxaan dareemayaa inaan saameyn ku yeelan karo chelsea”ayuu sii raaciyay.
Related