Liiska xiddigaha ugu caawinta badan ciyaaraha caalamiga ah ayaa la soo saaray waxana hogaaminaya xiddig lama filaan ah isaga oo ka fiican xiddigaha sida Ronaldo, Messi iyo Neymar.
Caawinta ayaa ah mida ugu muhiimsan kubada cagta iyada oo xiddigo ay ka mid yihiin De Bruyne iyo Ozil ay gool dhalinta kaba jecelyihiin in ay gool caawiyaan.
Waxa jiray muran badan oo ku saabsan Gooldhaliyaha ugu fiican iyada oo Ronaldo haatan yahay xiddiga ugu goolasha badan ciyaaraha caalamiga ah una dhaliyay Portugal 123 gool.
Laakiin malaha waa in aynu dareenkeena u jeedino xiddigaha ugu caawinta badan waxana jira 10 xiddig oo ka mid ah xiddigaha ugu caawinta badan taariikhda kubada cagta.
Waxaa la yaab leh, ciyaaryahankii hore ee xulka qaranka Maraykanka ee London Donavan ayaa hogaaminaya caawinta isaga oo caawiyay 58 gool xirfadiisii xulka qaranka.
Kubadsameeyaha hore ee Everton ayaa ku riyaaqay 14-sano oo caalami ah oo guulo leh, isagoo sidoo kale u dhaliyay 57 gool kooxdiisa, waana gooldhaliyaha ugu sareeya ee dalkiisa.
Waxaa ku xiga ciyaaryahankii hore ee Barcelona iyo Paris-Saint Germain Neymar, kaasoo ka ciyaara horyaalka sucuudiga.

Related



Source link