Chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay rajaynayso in Romeo Lavia uu dhaawac canqowga ah ku maqnaado ilaa dhamaadka bisha October.
Intii lagu jiray todobaadyadii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga, Blues ayaa si joogto ah loola xidhiidhinayay Xiddiga khadka dhexe ee Southampton.
Kooxda chelsea ayaa ugu dambayn saxiixa xiddiga ku guulaystay kadib markii ay ku garaacday kooxda Liverpool.
Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaan wali wax kulan ah u ciyaarin waxana uu dhaawac ka soo gaadhay tababarka.
Sida laga soo xigtay Daily Mail, chelsea ayaa filaysa in uu Lavia garoomada ka maqnaado muddo 6 todobaad ah.
Related