Ahmed Hossam “Mido” oo ah xidigii hore ee Ajax Amsterdam iyo Tottenham Hotspur ayaa xaqiijiyay in cayaaryahanka reer Masar ee Mohamed Salah uu maalin uun aadi doono ka ciyaarista horyaalka Saudi Roshen League.
Mohamed Salah ayaa si xoogan loola xiriirinayay xagaagan inuu u dhaqaaqo kooxda Al-Ittihad Laakiin Liverpool ayaa diiday kuna adkaystay in uuna xiddigu iib ahayn suuqa xagaagan.
Dhankiisa, Mido ayaa ku yiri hadal uu siiyay TV-ga Al-Mehwar: “Mohamed Salah wuxuu aadi doonaa Saudi League, wax wanaagsan ayay ahaan doontaa haddii uu xilli ciyaareedkan ku guuleysan karo horyaalka England Premier League inuu jabiyo rikoorada, kadib xilli ciyaareedka soo socda. hal xilli ciyaareed ayaa uga haray qandaraaskiisa Liverpool.”
Mido oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Sanadka soo socda, Liverpool ma awoodi doonto inay weydiisato wax ka badan 70, 80, ama 100 milyan si ay u iibiso Mohamed Salah, gaar ahaan hal sano oo ka harsan qandaraaskiisa.”
Related