Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso Saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Alphonso Davies marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga 2024.
Ciyaaryahanka garabka bidix ka ciyaara ayaa Bayern ku sugnaa tan iyo xilli ciyaareedkii 2018-19, waxaana uu tan iyo markii uu noqday mid ka mid ah kuwa ugu fiican adduunka booskiisa.
In kasta oo horumarka heerka caalami ee Canada waxa caqabad ku noqday dhaawacyo waxana uu dhaliyay 8 gool halka uu caawiye ka noqday 28 kale 157 kulan oo uu ciyaaray.
Si kasta ha ahaatee Davies ayaa gaadhay heer uu heshiiskiisa kooxda ka dhiman yahay 2 sano isla markaas ay doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato.
Davies ayaa muhiim ka ah qorshaha tababare Thomas Tuchel isaga oo si joogto ah ugu soo baxa shaxdiisa.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca, Davies ayaan diyaar u ahayn in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda ku ciyaarta Allianz Arena.
Wararka ayaa sheegaya in xiddiga 22 jirka ah uu doonayo fursad uu ugu ciyaaro kooxda Real Madrid kuwaas oo xiiso wakhti fog ah u qaba xiddiga.
Related