Manchester United ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Anwar El Ghazi kaas oo xiddig xor ahiyadoo ay jirto hubaal la’aan ka taagan Mustaqbalka Antony iyo Jadon Sancho.
El Ghazi ayaa ka tagay PSV Eindhoven kadib markii uu dhacay heshiiskiisa todobaadkii hore waxana uu haatan ku biiri karaa United inkasta ooo uu xidhmay suuqa xagaaga.
28-sano jirkaan oo sidoo kale u soo ciyaaray kooxaha Ajax, Aston Villa iyo Everton ayaa daawaday United guuldaradii Arsenal ka soo gaartay Emirates kulankii ugu dambeeyay ka hor fasaxa xulalka.
Waxaa la fahamsan yahay in El Ghazi uu sidoo kale dalabyo ka horyaalka sucuudiga laakiin United ayaa siin karta fursad uu ku soo laabto Premier League.
Xaqiiqda ah in United ay ka fiirsaneyso inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo El Ghazi waxay hoosta ka xariiqday sida dhabta ah ee ay u qaadanayaan xaalada Antony iyo Sancho kuwaas oo wadar ahaan ku kacay 158 milyan.

Related



Source link