Daafaca kooxda West Ham United Nayef Aguerd ayaa la sheegay in uu bartilmaameed u noqday kooxaha Liverpool iyo Man City.
27-sano jirkaan ayaa xilli ciyaareedkiisii 2-aad ku qaadanaya kooxda West Ham waxana uu haatanba ka qayb qaatay gool 3 kulan oo uu ciyaaray.
Ka hor intaas Aguerd ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo qaatay xulka Morocco oo uu koobkii adduunka la gaadhay Semi-final-ka.
West Ham ayuu sidoo kale ka caawiyay in ay ku guulaysato koobka Europa Conference League.
Qaab ciyaareedka xiddiga ayaa keentay in uu xiiso ka helo kooxaha ugu waaweyn horyaalka premier League.
Sida laga soo xigtay The Sun, Liverpool iyo Man City ayaa doonaya saxiixa xiddiga Aguerd si ay ugu xoojiyaan daafacooda.
Related