Wararka ayaa shaaca ka qaaday go’aanka tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ee mustaqbalkiisa kooxda Liverpool iyada oo lala xidhiidhinayo xulka qaranka Germany oo shaqada ka caydhiyay Hansi Flick.
Tababaraha Liverpool ayaa lagu sheegay inuu ka mid yahay musharrixiinta bedeli doona Hansi Flick, ka dib markii Flick laga caydhiyay shaqada xulka qaranka kadib guuldaradii ka soo gaadhay Japan.
Hadalada uu qoray wargeyska Jarmalka ee Sky, Klopp ayaa yiri: “Shaqada tababaraha xulka qaranka waa mid sharaf ii ah taasi shaki kuma jiro”.
Waxa uu intaa ku daray: “Waxa hortayda taagan ayaa ah xidhiidhka aan la leeyahay Liverpool, kama tagi karo Liverpool oo aan odhan karo waxa aan tababare u noqon doonaa Germany muddo kooban, tani waligeed ma shaqayn doonto”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi: “Xulka qaranka Jarmalku ima soo bandhigin shaqo laakiin hadii ay dhacdo maalin oo aanan joogin tababare waan aqbali doonaa”.
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Waa shaqo xiiso leh, laakiin wali ma garanayo inaan sameyn doono wax ceeb ah hadii aan ka tago Liverpool, waxaan doonayaa inaan sii wado dookhyadayda furan laakiin waxaa iga go’an qandaraaskeyga kooxda”.

Related



Source link