Kooxaha Chelsea’ Barcelona iyo Bayern Munich ayaa Dhamaantood isku dayay in ay la soo saxiixdaan xiddiga kooxda PSG ee Marco Verratti intii lagu jiray suuqii xagaaga.
Wakhti xiddiga 30 Jirka ah ee PSG ayaa ku dhaw in uu soo afjarmo iyada oo la filayo in uu ku biiro kooxda ka ciyaarta horyaalka Qatar ee Al-Arabi.
Verratti ayaa la filayaa inuu u safro magaalada Doha saacadaha soo socda ka hor inta uusan heshiis qaali ah u saxiixin Al Arabi, kaasoo la sheegay in bilihii ugu dambeeyay ay dabada ka riixayeen saxiixiisa.
Si kastaba ha ahaatee xiddiga khadka dhexe ayaa xiiso ka helay kooxo waaweyn oo reer Yurub ah kuwaas oo doonaya saxiixa.
Sida laga soo xigtay L’Equipe,Chelsea,Barcelona iyo Bayern ayaa dhamaantood dalabyo amaah ah u gudbiyay Verratti ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa si cad u sheegtay in ay kaliya iib toos ah ku doonayso xiddiga.
Related