Inkasta oo uu xidhamay suuqa xagaaga hadana wali waxa jirta hadal haynta iyo dadaalada ay ku xoojinayaan kooxda.
Kooxaha kala duwan ayaa sii indha-indhaynaya saxiixyada ay samayn karaan suuqa january waxana ay xidhiidho la sii samayna xiddigaha ay doonayaan.
Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigin doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga ee ay wargaysyadu qoreen:
Kooxda Borussia Dortmund ayaa doonaysa in ay saxiixa Sancho marka la gaadho suuqa xagaaga iyada oo mustaqbalka xiddiga ee Man United shaki ku jiro (Sun).
Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay wadahadalo la furto xiddiga Martin Odegaard (Fabrizio Romano).
Madaxweynaha Xidhiidhka sucuudiga ee Michael Emenalo ayaa sheegay in ayna Albaabka ka xidhin u dhaqaaqista saxiixa xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah (Sky Sport).
Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Man City ee Julian Alvarez (Fichajes).
Kooxda Al-Ittihad ayaa isku daysay saxiixa xiddiga Tottenham ee Recharlison kadib markii ay ku fashilantay saxiixa Mohamed Salah (Sky Sport).
Kooxda chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Aston Villa ee Ollie Watkins (Givemesport).
Sidoo kale kooxda chelsea ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Brentford ee Ivan Toney (Givemesport).
Arsenal ayaa laga yaabaa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Juventus ee Dusan Vlahovic (Express).
Kooxda Liverpool ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa xiddiga kooxda Fluminense ee Andre (ESPN).
Kooxda Arsenal ayaa isk diiday saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Federico Valverde intii uu joogay kooxda Tababare Arsene Wenger (Mirror).
Kooxda Liverpool ayaa dalab 100 milyan ah ka gudbisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Newcastle ee Bruno Guimaraes (AS).
Kooxda Al-Ettifaq ayaa isku dayday in ay amaah kula soo saxiidaan xiddiga Man United ee Jadon Sancho (Mail).
Kooxda chelsea ayaa liiska weeraryahanada ay doonayso suuqa January ku dartay xiddiga kooxda Lille ee Jonathan David (Fichajes).
Kooxda Arsenal ayaa doonaysa saxiixa xiddiga kooxda Wolves ee Pedro Neto si ay u helaan saxiixiisa suuqa January (Telegraph).
Related