Mauricio Pochettino ayaa kooxdiisa Chelsea u dajiyay sidii ay ugu guulaysan lahaayeen koobkoodii ugu horeeyay xiliciyaareed kaan.
Blues ayaa si xun ku bilaabatay xilli ciyaareedka intii uu macalinka u ahaa Pochettino ilaa iyo haatan, waxaana ay la kulmeen labo guuldarro, hal guul iyo hal bar-baro.
Waxa ay ku jiraan kaalinta 12-aad ee kala sarreynta horyaalka Premier League, taasoo ku beegan halka ay xilli ciyaareedkii hore si xun ugu dhameysteen ka hor inta aan tababaraha Argentine loo magacaabin horaantii xagaagan.
Kooxda Pochettino ee Chelsea ayaa wali ku jirta dib u dhis laakiin waxa ay ilaa haatan ku fashilmeen In ay soo bandhigaan wixii laga filayay.
Waxaa la weydiiyay goorta uu ku xisaabtamayo in kooxdiisu ay marka hore koob qaadi doonto Waxa uu ku jawaabay (BBC Sport): “Waxaan filayaa….bilo!”
Tababaraha Blues ayaa sharaxay in kooxdiisu ay doonayso inay ku guulaysato tartan kasta oo ay ka qayb galayso, sidoo kale waxay ku jiraan wareega saddexaad ee Carabao Cup, iyo FA Cup-ka inkasta oo aanay ka qayb qaadanayn Yurub.
“Waxaan dooneynaa inaan ku guuleysano xilli ciyaareedkan. Waxaan rabnaa inaan badino Dhammaan kulamadeena waxaan ka qayb galaynaa Carabao Cup, FA Cup, iyo horyaalka – waxaan dooneynaa inaan u ciyaarno guul! Ma dhihi karno hal sano gudaheed, labo sano, ama seddex sano gudaheed,”ayuu yidhi Mauricio Pochettino.
Related