Kooxda Man United ayaa ku dhawaaqday inay shaqada ka joojisay ciyaaryahankeeda Anthony, muddo aan la cayimin, ilaa inta laga dhamaynayo baadhitaannada eedaha loo haysto ee ah inuu jir dil u geystay saaxiibtiis, Gabriela Cavalin.
Kooxda Ingariiska ayaa ku soo qortay website-keeda rasmiga ah: “Manchester United waxa ay qiraysaa dhammaan eedeymaha loo soo jeediyay ciyaaryahanka, Anthony”.
“”Anthony kuma soo laaban doono tababarka wakhtigii loo go’aamiyay kadib fasaxa xulalka waxana uu joojin doonaa dhamaan in uu wax shaqo ah u qabto kooxda ilaa inta laga dhamaynayo baadhitaanka ka dhanka ah eedaymaha loo soo jeediyay”.
“Anaga, ka koox ahaan waxaan cambaareyneynaa dhammaan falalka gacan-ka hadalka ah iyo jidh-dilka sababta oo ah uma fiicna shaqsi ahaan”.
Xiddiga Antony ayaa ah xiddigii 2-aad ee ay kooxda Man United shaqada ka joojiso sababo la xidhiidha kufsi iyo jidh dil uu kula kacay saaxiibtiis.

Related



Source link