Xaalada dhaawa ee kooxda chelsea ayaa sii xumaan karta kadib markii xiddiga Mykhailo Mudryk dhaawac uga baxay kulankii waajibaadka xulka qarankiisa Sabtidii.
Xiddiga garabka ka ciyaara ayaa xulkiisa u ciyaaray kulankii ay la ciyaareen xulka England kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka adduunka.
Xiddiga 22 jirka ah ayaa dhaawac uga baxay ciyaarta kadib markii ay kubad ku loolameen xiddiga Kyle Walker.
Qaybtii hore Mykhailo Mudryk ayaa maray daawayn garoonka dhexdeeda ah kadib markii uu ku dhaawacmay kubad uu kula loomay Marcus Rashford.
Xiddiga ayaa sii wadan kari waayay ciyaarta waxana laga saaray ciyaarta taas oo wal-wal ku ah kooxda chelsea.
Dhaawaca Mykhailo Mudryk ayaa niyad jab ku ah Blues marka la eego in ay kooxdu dhaawacyo la dhibaatoonayso haatanba.
Related