Joe Cole ayaa is barbar dhigay xiddiga Arsenal Bukayo Saka iyo xiddiga Liverpool Mohamed Salah iyo Lionel Messi.
Waxa uu tilmaamay tayada ay saddexda ciyaaryahan ka siman yihiin.
Dhammaan seddexda weeraryahan ayaa ka mid ah ciyaartoyda lugta bidix ee ugu fiican kubbada cagta adduunka waqtigan iyadoo Messi uu sidoo kale yahay midka ugu fiican abid.
Isagoo ka hadlayay Saka ka dib barbarihii 1-1 ee England ay la galeen Ukraine, Cole ayaa u sheegay Channel 4 “Kama difaaci kartid [Saka] sababtoo ah waxa uu leeyahay awoodan sida Lionel Messi oo kale oo uu kubada waxa ayuu horay u riixayaa”.
waad joojin kartaa isaga laakiin dib ayuu u soo ceshanayaa kubafa walina waxa uu awood u leeyahay in uu ku garaaco awood badan. Waxa jira dhawr ciyaartoy – Mohamed Salah ayaa sidaaa oo kale ah waxana ay la mid yihiin Lionel Messi”
Related