Tababaraha Norway Stale Solbakken ayaa ku taageeray Lionel Messi inuu ku guuleysto abaalmarinta Ballon d’Or 2023 ka hor Erling Haaland sanadkan.
Labada ciyaaryahan ee Messi iyo Haaland ayaa ku jira 390 xiddig ee sharaxan abaal marinta sanadkan, waxaana dad badan ay u arkaan inuu yahay tartan ka dhexeeya haaland iyo Messi.
Solbakken ayaa aaminsan in xiddigaha Messi, Haaland iyo Kylian Mbappe ay yihiin kuwa ugu cadcad ee ku guulaysan kara abaalmarinta.
Si kastaba ha ahaatee, waxa uu qabaa in miisaanka koobka aduunka uu Messi ku guulaysto abaal marinta markii sideedaad.
Solbakken oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi“Waxay u badan tahay in uu tartanku ka dhexayn doono Lionel Messi, Kylian Mbappe iyo Erling Haaland”
” waxaan dhihi doonaa Messi ayaa ku guuleysan doona sababtoo ah ku guuleysiga Koobka Adduunka, had iyo jeer saameyn ayey leedahay, Mbappe sidoo kale wuu tartani
Related