Xiddiga kooxda Arsenal ee Oleksandr Zinchenko ayaa shaaca ka qaaday doorkii uu Gabriel Jesus ka caawiyay in uu ku biiro kooxda Arsenal.
Xagaagii 2022, Zinchenko ayaa Arsenal kaga soo biiray Manchester City isaga oo ugu soo biiray lacag dhan 32 milyan oo euro.
Isagoo la hadlaya Footballers Lives ayuu yidhi”Mikel Arteta wuxuu yimid gurigayga maalin, isaga iyo maareeyaha guud”.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan wada hadal dheer ka yeelanay sida ay Arsenal ii aragto iyo meesha aan ka ciyaari karo, mashruuca kooxda iyo qaab dhismeedkeeda, wax walba, kadib waxaan ka baxnay guriga sababtoo ah cimiladu waxay ahayd mid qurux badan.”
“Markii aanu baxaynay, qof ayaa garaacay gambaleelka, waxaan ku idhi, albaabka ayaan furayaa waxana aan arkay Gabriel Jesus oo albaabka jooga”.
Wuxuu kusoo gaba gabeeyay: “Wuxuu yimid oo ogaaday in Arteta uu joogo gurigayga, waxaan ku idhi maya? Tani waa kaftan, Jesus waxa uu ahaa wakiilka Sirta ah”.

Related



Source link