Xiddiga Inter Miami iyo xulka qaranka Argentina Lionel Messi ayaa magacaabay ama doortay daafaca ugu fiican adduunka waqtigan.
Lionel Messi ayaa aaminsan in xiddiga ay isku dalka yihiin iyo Tottenham ee Christian Romero uu yahay kan ugu fiican booskiisa haatan ee adduunka.
Hadalka Messi ayaa yimid kadib ciyaartii xulka qaranka Argentina la ciyaareen Ecuador qeyb ka ah isreeb-reebka koobka aduunka 2026-ka.
Xulka difaacanaya koobka adduunka ayaa ku badiyay 1/0 gool uu u dhaliyay Lionel Messi daqiiqadii 79-aad.
Messi ayaa ammaanay Christian Romero, isagoo yidhi”Aniga ahaan, Christian Romero waa daafaca ugu fiican adduunka hadda”.
36-sano jirkaan ayaa hadalkiisa ku daray: “Waxa uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah caawa, waa ciyaaryahankii garoonka.”
Related