Laacibka reer Wales ee ka fariistay ciyaaraha kubada cagta ayaa sheegay in uu iska diiday ku biirista kooxda Man United isla markaas doortay ku biirista kooxda Tottenham.
Gareth Bale ayaa mustaqbalkiisa ka bilaabay kooxda Southampton ka hor inta uusan u dhaqaaqin Tottenham Hotspur xagaagii 2007dii
Dhanka kale, Manchester United ayaa isku dayday inay la soo wareegto, waxaana xilligaas United ay ka mid ahayd kuwa ugu wanaagsan Yurub, iyo waliba kuwa ugu fiican England.
Laakiin Gareth Bale ayaa go’aansaday inuu u dhaqaaqo Tottenham, wuxuuna diiday dalabka United, ka dibna wuxuu u wareegay kooxda reer Spain ee Real Madrid 2013kii.
Sida laga soo xigtay wargeyska Isbaanishka ee AS, Gareth Bale wuxuu yiri, “Waan diiday Manchester United, waxaana aaday Tottenham, waqtigaas, United waxay ahayd kooxda ugu weyn England Premier League.”
“Waxa ay ku guulaysteen koobab badan waxana ay haysteen xiddigo fiican iyo tababare fiican”ayuu Ydihi.
Waxa uu intaa ku daray, “Ciyaartoy badan ayaa raadinaya lacag, waxayna doonayaan inay aadaan koox weyn, tanina waa qaybta ugu fudud, laakiin waxa aan doonayay in aan ku biiro koox aan horumark ku sameeyo sidaas darteed ayaan ku doortay Tottenham.
Related