Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay xiiseyneyso inay bisha January u dhaqaaqdo xiddiga kooxda Aston Villa ee Ollie Watkins.
Blues ayaa xoojisay doorkeeda weerarka suuqii xagaaga iyaga oo la soo saxiixday Nicolas Jackson iyo Christopher Nkunku.
Si kastaba ha ahaatee waxa durba ka dhaawacmay xiddiga Nkunku kaas oo garoomada ka maqnaan doona muddo dheer kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay xiddiga reer France.
Dhanka kale, Jackson, ayaa ku dhibtooday inuu si joogta ah u ciyaaro usbuucyadii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka inkastoo uu shabaqa soo taabtay kulankii ay 3-0 kaga badiyeen Luton Town.
Iyada oo Armando Broja uu wali ka sii shaqaynayo sidii uu uga soo laaban lahaa dhaawac wakhti dheer ah ayay chelsea doonaysaa in ay suuqa January keento weeraryahan tayo leh.
Sida laga soo xigtay saxafiga Simon Phillips, Watkins ayaa ka mid ah bartilmaameedyada suurtagalka ah ee ay tixgelinayso kooxda Galbeedka London.
Chelsea ayaa horay loola xiriirinayay weeraryahanka Villa inta lagu guda jiray suuqa kala iibsiga xagaagan, waxaana ay haatan ka fikirayaan inay kor u qaadaan baacsiga ay ku hayaan bisha January.
 

Related



Source link