Manchester City ayaa isku day dhab ah samaysay xagaagii intii u dhaxaysay bilihii April iyo June si ay ula soo saxiixato Alejandro Balde, sida uu qabo Fabrizio Romano.
Si kastaba ha ahaatee, Barca ayaa diiday hab kasta oo ay ku dooneyso ciyaaryahanka waxayna ku dhawaaqday inuusan iib ahayn.
Blaugrana ayaa sidoo kale Balde ka saxiixday heshiis cusub oo kooxda ku sii hayn doona ilaa 2028, inkasta oo faahfaahinta heshiiska aan wali si rasmi ah loo shaacin.
“Waxaan rabaa inaan fure u noqdo waayaha cusub ee Barcelona, waa kooxdayda Nolosha”ayuu Balde yidhi.
Kooxda Man City ayaa Balde u doonaysay in uu noqdo badalka Joao Cancelo kaas oo ku biiray kooxda Barcelona.
Related