Daafaca kooxda Arsenal ee Gabriel Magalhaes ayaa waxaa soo gaaray cabsi dhaawac intii lagu jiray kulankii Brazil ay guusha ka gaartay Bolivia habeenkii Jimcaha.
25 jirkaan ayaa ku soo bilowday kaliya hal kulan afartii kulan ee ay ciyaartay Arsenal xilli ciyaareedkan laakiin waxa la filayaa in uu si joogto ah u ciyaaro ka dib fasaxa caalamiga ah sababo la xiriira dhaawacyo Jurrien Timber iyo Thomas Partey, kuwaas oo ololaha ka bilaabay daafaca midig.
Gabriel ayaa ku soo bilowday kulankii ay Brazil 5-1 kaga badisay Bolivia kulanki ugu horeeyay ee isreeb reebka koobka aduunka.Laakiin daafaca Arsenal ayaa dhamaadkii ciyaarta lagu qasbay in laga saaro ciyaarta, waxaana lagu arkayay isaga oo baraf ku haya lugta midig.
Brazil ayaan wax war ah kasoo saarin taam ahaanshaha Gabriel ka hor kulankooda labaad ee isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Peru Arbacada soo socota.
Related