Nasser Al-Khelaifi, oo ah Guddoomiyaha Ururka Naadiyada Yurub, ayaa ka hadlay suurtagalnimada in kooxaha Sacuudigu ka qayb gali karaan champions League.
Al-Khulaifi ayaa sheegay in ay adagtahay in ay kooxaha sucuudigu ka qayb galaan tartamada yurub iyada oo kordhinta kooxaha ka qayb galaya tartamada yurub ay ka duwantahay sida la filayo.
Madaxweynaha Kooxda PSG ayaa mar kale sheegay in uu mar kale ku guuleystay xilka madaxtinimo ee xiriirka kooxaha Yurub in ay adag tahay in kooxaha Sacuudiga ay ka qeybgalaan tartanka Champions League, islamarkaana uusan jirin wax qorshe ah oo arrintaas ku saabsan.
Al-Khelaifi ayaa sharaxay in ururku uu ka shaqeynayo sidii kooxo badan oo Yurub ah loogu ogolaan lahaa tartamada Yurub, maadaama kooxaha dhexdhexaadka ah iyo kuwa yar yar ay rabaan.
Guddoomiyaha ururka naadiyada Yurub ayaa hadalkiisa ku soo xidhay in aanay jiri doonin koox aan ka dhisnayn yurub oo ka ciyaari doona champions League.
Waxaa xusid mudan in madaxweynaha UEFA Alexander Chervin uu sheegay in kooxaha Yurub oo kaliya ay awood u leeyihiin inay ka qeybgalaan seddexda tartan ee kala ah “Champions League, European League iyo Conference League”.

Related



Source link