Sharciga cusub ee Manchester City ee suuqa kala iibsiga ayaa lagu soo waramayaa in uu Man City ka hor istaagay saxiixa xiddiga Ilkay Gundogan xagaagan.
Xagaagan, Gundogan ayaa qaab xor ah uga tagay Man City waxana uu ku biiray kooxda Barcelona isaga oo ugu biiray heshiis 3 sano ah.
Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa xiiso ka helayay kooxda Arsenal ka hor intii uuna ku biirin kooxda Man City.
Laakiin Man City ayaa doorbidaysay in uu Gundogan ku biiro kooxda Barcelona halkii uu ku biiri lahaa Arsenal oo ah koox xilli ciyaareedkii hore kula tartantay premier League.
Sida laga soo xigtay Football Insider, Bishii April, kooxda Man CIty ayaa go’aansatay in ayna mar dambe xiddigaha kooxdeeda ka iibin Arsenal.
Related