Mohamed Salah ayaa Wali Ah Xiddig Liverpool Ah Iyada Oo Suuqii Sucuudigu Si Rasmi Ah U Xidhmay.
Ugu dambeyntii way dhacday suuqii horyaalka sucuudiga ayaa si Rasmi ah u xidhmay.
Waxa ay la macno tahay in isku daygii Al Itixaad ay ku doonaysay in ay ku dhamaystirto saxiixa Mohamed Salah ayaa fashilmay.
Kooxda ayaa isku dayday in ay 150 milyan kula saxiixato Salah laakiin Liverpool ayaa diiday, waxa jiray warar sheegaya in ay diyaarinayso dalab 200 oo milyan ah.
Si kastaba ha ahaatee, Liverpool ayaa mar walba ku adkaysan jirtay in Salah aanu iib ahayn.
Weli, sida laga soo xigtay Sky Sports, Al Ittihad ayaa isku dayi doonta inay la saxiixato Mohamed Salah suuqa January ama xagaaga dambe.
 

Related



Source link