Romeo Lavia ayaa lagu soo waramayaa inuu ku dhaawacmay tababarka – ka hor inta uusan xitaa u ciyaarin Chelsea.
Ciyaaryahanka cusub ee khadka dhexe ee Blues ayaa kooxda kaga soo biiray kooxda Southampton aduun dhan 58 milyan milyan oo euro.
Laakiin wali kooxda uma ciyaarin wax daqiiqad ah tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.
Haatan xiddiga ayaa muddo ka sii maqnaan doona kooxda sabab la xidhiidha dhaawac kuraanta ah oo soo gaadhay.
Saxafiga reer Belguim ee Sacha Tavolieri ayaa sheegay in uu xiddigu saaka ku dhaawacmay tababarka kooxdiisa.
Wararka ayaa sheegaya in uu Lavia ku qasbanaaday in tababarka laga saaro kadib dhaawacii ka soo gaadhay.

Related



Source link