Halyeeyga Xulka qaranka Argentina ee Hernan Crespo, halyeygii Milan iyo Inter Milan, ayaa saadaaliyay kulanka Inter Milan Vs Ac Milan ee horyaalka Talyaaniga.
Labada kooxood ayaa ku kulmi doona Sabtida soo socota iyaga oo isaga hor iman doona garoonka Giuseppe Meazza Stadium ee wareega afraad ee horyaalka Talyaaniga.
Crespo ayaa yiri”“Milan derby? “Waxaan arkaa in Inter Milan ay hal talaabo ka horeyso qof walba, waxaan qabaa inay heystaan ​​koox weyn oo fiican”.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi: “Lautaro Martinez waa ciyaartoy heersare ah oo sanadba sanadka ka dambeeya horumar sameeya, Simone Inzaghi waxa uu ku haystaa kooxdan wax walba oo uu doono”.
 ayaa intaa ku dartay: “Inter Milan waxay leedahay koox xoogan sidoo kale waxa ay keentay xiddigo fiican oo uu ka mid yahay Marcus Thuram”.
Crespo oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Milan waxa ay kala hor iman doontaa tartan adag laakiin Inter ayaa badin doonta”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link