Waxa la galay fasaxii ugu horeeyay ee fasaxa xulalka iyada oo la joojiyay horyaalka premier League kadib kumadii la ciyaaray.
Waxa ilaa haatan la ciyaaray 4 kulan horyaalka premier League waxana jira xiddigo badan oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah.
Sidii caadada ahayd xilli ciyaareedkii hore xiddiga kooxda Man City ee Erling Haaland ayaa hogaaminaya gool dhalinta horyaalka La Liga.
Xiddiga Haaland ayaa dhaliyay 6 gool 4-tii kulan ee uu u ciyaaray kooxdiisa horyaalka premier League.
Waxa ku xiga 2 xiddig oo min 4 gool leh kuwaas oo kala ah Bryan Bmeumo oo u ciyaara Brentford iyo Evan Ferguson oo u ciyaara Brighton.
Sidoo kale waxa jira 5 xiddig oo min 3 gool dhaliyay ilaa haatan horyaalka premier League.
Halkan Kaga bogo xiddigaha dhaliyay goolasha ugu badan.
Eling Haaland (Man City) 6
Bryan Bmeumo (Brentford) 4
Evan Ferguson (Brighton) 4
Jarrod Bowen (West Ham) 3
Odsonne Edouard (Crystal Palace) 3
Son Heung-min (Tottenham) 3
Related